Deni oo cafis u fidiyey wariye Kilwa Aadan Faarax

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu cafiyey wariye Kilwa Aadan Faarax, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland.

Digreetadda oo lagu faafiyey Facebook ayaa waxaa cuskaday Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad iyo Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Saxafiga oo la xiray December, 2020-kii ayaa ku dhowaad muddo boqol [100] casho ah wuxuu xabsi ku yaala magaalada Garowe ugu xirnaa eedeymo uu beeniyey qareenkiisa gaarka ah.

Eedeymaha loo jeediyey waxaa kamid ah in uu muuqaal ka duubay sawirka madaxwayne Deni oo lagu jeex-jeexayo banaanbax lasoo abaabulay oo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Garowe.

Bishaan Maaj 3-deeda, sanadkan 2021, maxkamada milatariga Puntland ayaa saddex bilood oo xabsi ah waxay ku xukuntay saxafiga, wallow ay sheegtay in ay ku weyday wax fal-dambiyeed ah.

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa cambaareeyay xukunkaas, wuxuuna ku sifeeyay sharci darro, isaga oo hay'adaha garsoorka ka dalbadey in ay xorriyadiisa kusii siiyaan si shuruud la'aan ah.

Isla bishaan Maaj 15-keeda sanadkan 2021, MAP ayaa sidoo kale waxay ku dhawaaqdey in ay ka baxdey kiiska saxafiga, talaabadaas oo ay ku xoojineysay cadaadiska ku aadan sii deynta wariyaha.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM