Deni oo cafis u fidiyey wariye Kilwa Aadan Faarax

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu cafiyey wariye Kilwa Aadan Faarax, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland.

Digreetadda oo lagu faafiyey Facebook ayaa waxaa cuskaday Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad iyo Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Saxafiga oo la xiray December, 2020-kii ayaa ku dhowaad muddo boqol [100] casho ah wuxuu xabsi ku yaala magaalada Garowe ugu xirnaa eedeymo uu beeniyey qareenkiisa gaarka ah.

Eedeymaha loo jeediyey waxaa kamid ah in uu muuqaal ka duubay sawirka madaxwayne Deni oo lagu jeex-jeexayo banaanbax lasoo abaabulay oo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Garowe.

Bishaan Maaj 3-deeda, sanadkan 2021, maxkamada milatariga Puntland ayaa saddex bilood oo xabsi ah waxay ku xukuntay saxafiga, wallow ay sheegtay in ay ku weyday wax fal-dambiyeed ah.

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa cambaareeyay xukunkaas, wuxuuna ku sifeeyay sharci darro, isaga oo hay'adaha garsoorka ka dalbadey in ay xorriyadiisa kusii siiyaan si shuruud la'aan ah.

Isla bishaan Maaj 15-keeda sanadkan 2021, MAP ayaa sidoo kale waxay ku dhawaaqdey in ay ka baxdey kiiska saxafiga, talaabadaas oo ay ku xoojineysay cadaadiska ku aadan sii deynta wariyaha.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM