Deni oo daahfuray daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland

Image
Imtixaanka waxaa u fadhiistay 21,801 Arday oo dhameystay Waxbarashada Fasallada 8-aad iyo 12-aad.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland, oo ay sanadka u fariisteen 21,801 Arday oo dhameystay Waxbarashada Fasallada 8-aad iyo 12-aad ee Dugsiyada dhexe iyo Sarre ee Gobolada Puntland.

Deni ayaa gacantiisa ugu qeybiyey waraaqaha u horeeyay ee Imtixaanka qaar ka mid ah ardayda Puntland, wuxuuna ugu duceeyay in Allaah u fududeeyo Imtixaanaadka, isagoo u rajeeyay dhammaantood mustaqbal wanaagsan.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Mudane Fu’aad Abshir Adeer iyo Bahda Waxbarashada Puntland, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM