Deni oo daahfuray deeq waxbarasho ay Dowladda Puntland bixisay

Image
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Jaamacadda Bariga Africa , Golaha deegaanka ee degmada Boosaaso iyo Marti sharaf kale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Deeq Waxbarasho oo ay Dowladdu bixisay iyadoo kaashanaysa Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso, taasi oo in ka badan 30 Arday lagu barayo Cilmiga Badda iyo Kalluumeysiga .

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Dowladdu siinayso sidii dadka reer Puntland loogu diyaarin lahaa in ay ka faa’idestaan kheyraadka badeenna ku jira, wuxuuna xusay in hadda Ardayda deeqda Waxbarasho lasiiyey ay bilow u tahay ka faa’ideysiga iyo maalgashiga kheyraadka Badda oo loo baahanyahay in ay lawada qeyb qaataan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada .

Madaxweynaha ayaa intii ay munaasabadda socotay shahaadooyin guddoonsiiyey 4 Arday oo Dowladdu deeq waxabarasho ugu dirayso dalka dibeddiisa kuwaasi oo waxbarashada heerka labaad (Master) kusoo baran doona cilmiga Badda iyo kalluumeysiga .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Jaamacadda Bariga Africa , Golaha deegaanka ee degmada Boosaaso iyo Marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM