Deni oo daahfuray mashruuc waxbarasho oo muhiim ah

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuc Waxbarasho, kaas oo halku dhiggiisu yahay Ifiye.

Munaasabadda Daah-furka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Madaxwaynihii hore ee Puntland Santor Cabdiraxman Maxamed Maxamuud faroole, Sanator Cabdirisaaq Xuseen Cismaan Juurile, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame, Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka Mulki Cabdisamed Xuseen oo ka mid ah Aasaasayaasha Mashruuca Waxbarashada ee Ifiye iyo masuuliyiin kale.

Mashruucan oo in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynaayey waxaa ka faa'iidaysan doona ardayda reer Puntland, waxaana iska-kaashanaya hirgelintiisa Dawladda Puntland iyo qurbajoogta Puntland. Mashruucani waxa uu xoogga saarayaa Waxbarashada Caruurta ee maadooyinka Sayniska, Tijnoolajiyadda (Technology), injineerinka (Engineering) iyo Xisaabadka.

Qurba joogta reer Puntland ee mashruucan Taageeraysa ayaa diiradda saaraya in 10,000 oo Kambiyuutar loo gadaayo Ardayda dugsiyada Puntland, waxaana mashruuca lagu bilaabayaa 20 dugsi oo iskugu jira dugsiyo Hoose iyo dugsiyada Sare.

Madaxwaynaha Puntland ayaa balan qaaday in Madaxtooyada Dawladda Puntland ay sanadkiiba ku taageerayso mashruuca 1,000 Kambiyuutar si kor loogu qaado aqoonta ardayda reer Puntland si ay awood ugu yeeshan maadooyinka Sayniska. Madaxweynaha oo Mashruucan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in mashruucan kusoo beegmo iyada oo 15-ka bishaan Puntland ay u balansan tahay inay wadatashi ka yeelato Puntland Horumarkeeda iyo xaaladda ay marayso iyo caqabadaha hortaagan, waxaan rajaynayaa halku-dhigyada kasoo bixi doona inay qayb ka noqon doonaan tayeynta tacliinta iyo horumarinteeda oo bud-dhig u noqondoonto nolosha danbe ee aan higsanayno oo ah nolosha qurxoon prosperity-ga ah oo dadkan aan rajaynayno inay noqdaan dad ku faana inay awooddooda nololeed ay haystaan" Ayuu yiri Madaxwaynaha Dawladda Puntland

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa madaxda Wasaaradda Waxbarashada ku booriyay inay si hoose u eegaan Waxbarashada farsamada gacanta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo Qurba joogta gacanta ka gaysatay, isagoona kula dar-daarmay in mashruucan iyo kuwa lamidka ahba la dhowro.

MUUQAALKA DENI

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM