Deni oo dano ganacsi u tagaya Zambia iyo dad kasoo horjeeda

Image
Shirkaddan ayuu asaasay intii uu xildhibaanka iyo wasiirka qorsheynta ka ahaa Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayay wararka sheegayaan in uu kusii jeedo dalka Zambia ee Afrikada Koonfureed dhaca, halkaas oo uu ku samaystay maalgashi dheeraad ah ganacsi intii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland.

Socdaalka Deni ayaa la sheegay in uu la xiriiro in uu soo kormeero ganacsigiisa oo ah shirkad lagu magacaabo Kilwe Transport iyo dano kale oo ganacsi oo fadhigoodu yahay magaalada Ndola ee Zambia.

Shirkaddan ayuu asaasay intii uu xildhibaanka iyo wasiirka qorsheynta ka ahaa Soomaaliya , balse waxa ay si weyn u hano qaadday intii uu madaxweynaha ka noqday Puntland, waxayna shirkadda loo dhiibay lacago badan oo caddaan ah, taas oo u sahashay in ay lacago amaah siiso shirkado yaryar, kuwaas oo ay ka qaaddo lacago qoondo go’an ah oo macaash ah.

Inkasta oo jaaliyadda Puntland ay ku xoog badantahay dalka Zambia, haddane si weyn ayaa loogu kala qeybsanyahay imaanshiyaha Deni , waxaana si gaar ah dadka kasoo jeedda gobolka Mudug, kuwaas oo Deni ku dhalliilsan sidii uu u maamulay kuraastii baarlamaanka federaalka iyo sidii uu u bah diley odayaasha dhaqanka gobolkaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM