Deni oo dano ganacsi u tagaya Zambia iyo dad kasoo horjeeda

Image
Shirkaddan ayuu asaasay intii uu xildhibaanka iyo wasiirka qorsheynta ka ahaa Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayay wararka sheegayaan in uu kusii jeedo dalka Zambia ee Afrikada Koonfureed dhaca, halkaas oo uu ku samaystay maalgashi dheeraad ah ganacsi intii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland.

Socdaalka Deni ayaa la sheegay in uu la xiriiro in uu soo kormeero ganacsigiisa oo ah shirkad lagu magacaabo Kilwe Transport iyo dano kale oo ganacsi oo fadhigoodu yahay magaalada Ndola ee Zambia.

Shirkaddan ayuu asaasay intii uu xildhibaanka iyo wasiirka qorsheynta ka ahaa Soomaaliya , balse waxa ay si weyn u hano qaadday intii uu madaxweynaha ka noqday Puntland, waxayna shirkadda loo dhiibay lacago badan oo caddaan ah, taas oo u sahashay in ay lacago amaah siiso shirkado yaryar, kuwaas oo ay ka qaaddo lacago qoondo go’an ah oo macaash ah.

Inkasta oo jaaliyadda Puntland ay ku xoog badantahay dalka Zambia, haddane si weyn ayaa loogu kala qeybsanyahay imaanshiyaha Deni , waxaana si gaar ah dadka kasoo jeedda gobolka Mudug, kuwaas oo Deni ku dhalliilsan sidii uu u maamulay kuraastii baarlamaanka federaalka iyo sidii uu u bah diley odayaasha dhaqanka gobolkaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM