Deni oo darbiga soo taabtay xilli uu bilaabay boor-isku-qarin

Image
Puntland ayaa foollanaysa rabshado haddii aan kahor 8-da Janaayo laga heshiin masiirka doorashadda.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu sii dhamaanayo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu magacaabay guddi uu sheegay in ay miiska wadaxaajoodka la fariisanayaan mucaaradkiisa.

Sidda ay ku dhawaaqdey Madaxtooyadda Puntland, guddigan ayaa waxa ay mucaaradka kala hadlayaan khilaafka ka taagan doorashooyinka madaxtinimadda iyo baarlamaanka.

Guddigan oo ka kooban todoba xubnood ayaa waxaa madax u ah Cabdi Faarax Siciid Juxa kaas oo ku magacaaban Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Xubnaha dhameystiran ee guddiga ayaa ah;

1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin).
3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)..
4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) .
5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin).
6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin).
7. Xassan Caballa Xassan Xubin.

Falanqeeyeyaasha ayaa ku kala qeybsamay faalleynta magacaabidan guddigan. Qaarkood ayaa ku sifeeyay dhamaadka mashruucii qof iyo cod halka kuwa kale ay ku macneeyeen boor-isku-qarin.

"Waxa ay sidoo kale noqon kartaa in Deni uu darbiga soo taabtey uuna xaqiisadey in aysan dhaceyn doorasho toos ah wadahadalkana uga dhuumanayo waji gabax horleh," ayuu yiri midkood.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo illaa haatan mucaaradka Puntland ay kasoo saareen dalabka wadahadalka Deni ku dhawaaqay todobaadyo kahor wallow ay horey u sheegeen in ay diyaar u yihiin xal nabadeed.

Puntland ayaa foollaneysa isku-dhacyo iyo rabshado haddii aanan si rasmi ah looga heshiin masiirka doorashadda kahor 8-da Janaayo taas oo sidoo kale waji gabax ku noqoneysa habka xukun isku-wareejinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM