Deni oo dib ugu laabtay Garowe kadib socdaal maalmo qaatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Sabti ah dib ugu laabtay magaalada Garowe, caasimada dowladda Puntland.

Wafdiga uu horkacayay Deni ayaa waxaa madaarka diyaaradaha xarunga gobolka Nugaal kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin kala duwan.

Hogaamiyaha Puntland ayaa 8-dii bishaan Febraayo magaalada Boosaaso uga ambabaxay dalka Imaaraadka, halkaasi oo kulamo muhiim ah uu kula galay.

Xubnaha uu la fariistay waxaa kamid ahaa; Rugta Ganacsiga Abu Dhabi iyo madaxda ugu sareysa shirkada marsooyinka maalgashata ee loo yaqaano DP World.

Markii uu soo gabagabeeyay socdaalkiisa Imaaraadka, madaxwayne Deni ayaa ka degay Nairobi, xarunta Kenya, halkaasi oo kulamo muhiim ah uu ka bilaabay.

Dhinacyadda uu la kulmay oo isugu jira qaar kamida danjireyaasha Soomaaliya ayaa waxa uu kala xaajooday amniga, siyaasada, maalgashiga iyo ganacsiga.

Madaxtooyadda Puntland ayaa war-saxaafadeed ku shaacisay in kulamada uu madaxwayne Deni la yeeshay safiirada ay kusoo idlaadeen is-afgarad.

Socdaalkaan oo qaatay ku dhowaad laba todobaad ayaa ahaa midkii ugu horeeyay oo uu Deni uga baxo dalka isaga oo kusii jeeda dibadda tan iyo markii 8-dii Janaayo 2019 lagu doortay Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM