Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Image

GAROWE, Soomaaliya – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag u weeraray hoggaanka dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in maamulka dalka loo adeegsanayo dano shaqsiyeed iyo awood urursi.

Deni oo ka hadlayay magaalada Garowe, ayaa sheegay in tallaabadii hawada looga soo celiyay diyaarad siday xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ay tahay “weerar toos ah oo lagu qaaday madax-bannaanida hay’adda sharci-dejinta.”

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ku tilmaamay xayiraadda lagu soo rogay safarka xildhibaanada laga soo doorto Puntland mid sharci-darro ah, isaga oo sheegay in ay ka hor imaaneyso dastuurka isla markaana halis gelin karto nidaamka dowladnimada.

“Dowladda federaalka waxay ku tumaneysaa hay’adihii dastuuriga ahaa, waxayna u adeegsaneysaa awoodda si ka baxsan sharciga,” ayuu yiri Deni.

Deni ayaa fariin u diray beesha caalamka, isagoo ugu baaqay inay si dhow ula socdaan xaaladda, isla markaana aysan indhaha ka laaban waxa uu ku tilmaamay “xadgudubyo joogto ah” oo ka dhan ah nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland, kadib markii la soo saaray amar ah in xildhibaanada baarlamaanka aanay dalka ka bixi karin.

Go’aankaas ayaa sababay in tiro xildhibaano ah ay ku xanibnaadaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo xiisadda siyaasadeed ay weli taagan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM