Deni oo furay kal-fadhiga 47aad ee Baarlamanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah u furay kal-fadhiga 47aad ee Gollaha Wakiiladda Puntland, isagoo ka jeediyay khudbad uu uga warbixiyay horumarka dowladda iyo safaradii shaqo ee uu ku tagey degmooyin katirsan Puntland, Muqdisho, Baydhabo, Kenya iyo Jabuuti.

Deni ayaa sheegay in guulo ay kusoo dhamaadeen dhawaan safaardii uu sameeyay tan iyo bishii lasoo dhaafey, wuxuuna kahor sheegay Gollaha Wakiiladda in COVID-19 uu saameyn ku yeeshay dakhliga dowladda, isku socodka iyo howlihii shaqooyinka Wasaaradaha.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka siiyay Xildhibaanada arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya xiliga kala-guurka ah iyo heshiiskii doorashadda ee madaxda Maamullada iyo Madaxweyne Farmaajo.

Halkan ka Daawo Khudbadda Deni:

 

Wuxuu balan-qaadey inay xoogga saari doonto dowladdiisa sidii Puntland uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, oo dowladaha hoose lagu soo dooran doono, iyadoo hanaanka dimuqraadiyeynya uu meel fiican marayo, lana diiwaan-geliyay xisbiyo siyaasadeed.

Dhanka amniga, Ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay dagaallo ay kooxaha argagaxisadda kula galeen dhulka buuralayda ee gobolka Bari, islamarkaana ay kahor tageen falal ka dhan ah xasiloonida.

Baarlamanka Puntland ayaa soo dhaweeyay heshiiskii doorashadda Muqdisho lagu gaarey 17-kii bishii September, kaasoo lagu soo afjaray khilaaf mudo dheer ka taagnaan hanaanka doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM