Deni oo gaarey magaalada ay fatahaaduhu harqiyeen ee Qardho

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa goordhow wuxuu gaarey magaaladda daadadka xooggan ay harqiyeen ee Qardho, sidda uu ku dhawaaqay xafiiskiisa.

Ujeedka socdaalkiisa ayaa lagu tilmaamay "si uu ula qeybsado bulshada Qardho xaaladda ay ku sugan yihiin, u dhiirigeliyo Gurmadka socda, una arko khasaaraha iyo saameynta Roobka Biyaha watay".

Isla markiiba uu gaarey, wuxuu warbixin ka dhageystay mas'uuliyiinta degmadda, dhibaneyaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Sidoo kale, waxaa lagu soo waramay in uu kormeeray meelaha burburka xoogga leh uu gaarsiiyey saameynta Roobka biyaha watay.

Intaas kadib, madaxweyne Deni ayaa wuxuu ka qeybgalay Aaska dadkii ku geeriyooday daadkii xalay kusoo rogmaday magaaladda.

Inta illaa iyo haatan la xaqiijiyey, waxaa ku dhimatay musiibaaas lix qof oo shacab ahaa – saddex caruur ah, hal dumar ah iyo laba rag ah.

Qiimeynta horudhaca ah ee la sameeyay ayaa muujineysa in ku dhowaad 150 guri iyo goobo ganacsi ay ku burbureen fatahaadaha.

Xukuumadda ayaa durba waxay bilowday diyaarinta qorsheyaal ay kaga jawaabeyso dhacdadaan, iyaddoo bulshadda lagu booriyey in ay kaalin muuqata ka cayaaraan wax ka qabashada xaaladan soo korortay.

MUUQAALKA QARDHO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM

Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 12:59PM