Deni oo Galkacyo ku wajahan

Image
SAWIR HORE

GAALKACYO, Soomaaliya - Madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga ah uu sii dhamaanayo, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qorsheynaya in 28 bishaan uu tago magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Ciyaaraha gobalada Puntland ayuu halkaasi ka furayaa.

Deni ayaa laga yaabaa in uu Galkacyo kulan kula yeesho madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxgaradka ayaa ka digaya in Deni uu arimo siyaasadeed u adeegsado khudbadda furitaanka ciyaaraha isla markaana uu soo hadal qaado Dekeda Garacad.

Booqashada aanay masuuliyiinta dowladu ku wehlin ayuu Deni ugu maqnaa dibada isaga oo haatan abaabulka imaatinkiisu Galkacyo ka socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM