Deni oo Galkacyo ku wajahan

Image
SAWIR HORE

GAALKACYO, Soomaaliya - Madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga ah uu sii dhamaanayo, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qorsheynaya in 28 bishaan uu tago magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Ciyaaraha gobalada Puntland ayuu halkaasi ka furayaa.

Deni ayaa laga yaabaa in uu Galkacyo kulan kula yeesho madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxgaradka ayaa ka digaya in Deni uu arimo siyaasadeed u adeegsado khudbadda furitaanka ciyaaraha isla markaana uu soo hadal qaado Dekeda Garacad.

Booqashada aanay masuuliyiinta dowladu ku wehlin ayuu Deni ugu maqnaa dibada isaga oo haatan abaabulka imaatinkiisu Galkacyo ka socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM