Deni oo guddi u saarey tabashada shilin Soomaaliga

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiya cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.

Sidda laga soo xigtay wareegto lagu daabacay barta Facebook ee madaxtooyadda dowladda Puntland, guddigan ayaa ka kooban xubno aqoon durugsan u leh maaliyadda.

"Madaxweynaha ayaa guddigan magacaabay kadib markii uu maanta Shir-guddoomiyey kulan gaar ah looga hadlay xal u helida cabashooyinka la xiriira Shillin Soomaaliga," ayaa lagu yiri digreetada.

Hoos ka akhriso wareetadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiya cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.

Guddiga ayaa ka kooban:

Madaxweynihii Hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland.

Wasiiradii hore ee Maaliyadda ( Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh).

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo maagashiga.

Iyo Bangiga Dowladda Puntland.

Madaxda qaar ka mid ah Jaamacadaha Puntland iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha ayaa guddigan kala shaqeyn doona talabixinta.

Madaxweynaha ayaa guddigan magacaabay kadib markii uu maanta Shir-guddoomiyey kulan gaar ah looga hadlay xal u helida cabashooyinka la xiriira Shillin Soomaaliga.


Magacaabidan ayaa ka dambeysay markii madaxweyne Deni uu maanta la shiray mas'uuliyiinta isla markaana ay isla falanqeeyeen qaabkii xal waara loogu heli lahaa tabashadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM