Deni oo ka dhawaajiyey qorshe ku saabsan booliska Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Deni ayaa habeenimadii Sabtida ka qayb galay munaasabad lagu xusay sanad guuradii 76-aad ee aasaaska Booliska Soomaaliya.

Xafladda oo lagu qabtay xarunta Taliska Guud ee Booliska Puntland ee Garowe waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa kasoo muuqday munaasabadda.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Aw-muuse, Taliyaha Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland Gen. Cali Nuur Cumar iyo marti kale ayaa qayb ka ahaa.

Deni ayaa markii uu gaaray madasha salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland, ka dibna waxaa si rasmi ah u bilaabatay munaasabada.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Booliska Puntland, iyaga, Xaasaskooda, Caruurtooda iyo Eheladooda.

Intii uu ku guda jiray hadal-jeedinta, hogaamiyaha Puntland ayaa ka sheekeeyay burburkii ka dib, sidda lagu aasaasay Booliska Puntland iyo mar-xaladihii ay soo mareen.

Gabagabadii, madaxweynaha ayaa xusay in xukuumadiisa uu haatan u socdo qorshe sarre loogu qaadayo tayadda iyo aqoonta ee ciidamada, Booliskuna uu safka hore kaga jiro.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM