Deni oo ka hadlay qaraxa kolanyadiisa lagula eegtay Boosaaso

Image
Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni

BOOSAASO, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xaqiijiyey in laba kamid ah ilaaladiisa gaarka ah ay ku nafwaayeen qaraxii maanta kolanyadiisa lagula eegtay magaalada Boosaaso.

Deni oo qoraal kooban ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Facebook-ga ayaa tacsi tiiraanyo leh wuxuu u diray qoysaska askartaas, isaga oo EBBE uga tuugay in uu janadiisa geeyo.

"Waxaan Ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo guud ahaan Ciidamada Daraawiishta uga tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariiste Cabdullaahi Maxamed Shafeec iyo Maxamed Axmed Cabdullaahi oo ka tirsana Ciidamada Madaxtooyada kuwaasi oo maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray dalkooda iyo dadkooda,alle waxaan uga baryayaa inuu janadii geeyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan uu kasiiyo. Sidoo kale waxaan intii dhaawacantayna alle uga baryayaa in uu u boogga dhayo. Aamiin".

"Ciidamadeena geesiyaasha ah waxay marwalbo heegan u yihiin difaaca Dowladdnimada, nabadda iyo horumarka Puntland, weerarada noocan oo kale ahna Puntland u hakanmayso, hore ayeey u soconaysaa iyadoo Cadowga ama cidkastoo falkaasi iyo kuwa la mid ka ah ku lug leh sharciga la marsiinayo," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca hormuudka lagu hago ayaa haleelay gaarga horgala ah ee kolanayda baabuurta Deni kaasoo xilligaas qeybta dambe jiray, sida ay caddeeyeen illo wareeyo ammaan.

Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkan iyaga oo xusay in bartilmaameedka uu ahaa Deni. Falkan wuxuu dhacay xilli kolanyadda ay sii geleysay magaalada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM