Deni oo ka hadlay qaraxa kolanyadiisa lagula eegtay Boosaaso

Image
Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni

BOOSAASO, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xaqiijiyey in laba kamid ah ilaaladiisa gaarka ah ay ku nafwaayeen qaraxii maanta kolanyadiisa lagula eegtay magaalada Boosaaso.

Deni oo qoraal kooban ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Facebook-ga ayaa tacsi tiiraanyo leh wuxuu u diray qoysaska askartaas, isaga oo EBBE uga tuugay in uu janadiisa geeyo.

"Waxaan Ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo guud ahaan Ciidamada Daraawiishta uga tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariiste Cabdullaahi Maxamed Shafeec iyo Maxamed Axmed Cabdullaahi oo ka tirsana Ciidamada Madaxtooyada kuwaasi oo maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray dalkooda iyo dadkooda,alle waxaan uga baryayaa inuu janadii geeyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan uu kasiiyo. Sidoo kale waxaan intii dhaawacantayna alle uga baryayaa in uu u boogga dhayo. Aamiin".

"Ciidamadeena geesiyaasha ah waxay marwalbo heegan u yihiin difaaca Dowladdnimada, nabadda iyo horumarka Puntland, weerarada noocan oo kale ahna Puntland u hakanmayso, hore ayeey u soconaysaa iyadoo Cadowga ama cidkastoo falkaasi iyo kuwa la mid ka ah ku lug leh sharciga la marsiinayo," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca hormuudka lagu hago ayaa haleelay gaarga horgala ah ee kolanayda baabuurta Deni kaasoo xilligaas qeybta dambe jiray, sida ay caddeeyeen illo wareeyo ammaan.

Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkan iyaga oo xusay in bartilmaameedka uu ahaa Deni. Falkan wuxuu dhacay xilli kolanyadda ay sii geleysay magaalada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM