Deni oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dhacdadii baarlamaanka

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah wuxuu kulan Qado sharaf ah u sameeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Sii-hayaha Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Nuur Ciise Maxamed , Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Wasiirada iyo xubno kale ayaa kasoo muuqday.

Deni ayaa ujeedka kulanka ku macneeyay xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Dowladda, uuna hordhac u yahay kulamo wadashaqeyn oo joogto noqonaya.

"...si loo gaaro horumarka Puntland iyo in dadka la gaarsiiyo adeeygada dowliga ah ee asaasiga ah," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Dadka ayuu xasuusiyey dhismihii Puntland, dedaalkii iyo wakhtgii lagu bixiyey in ay noqoto meel ka duwan Soomaaliya inteeda kale oo hormuud u noqotay dalka dhinac walba.

Madaxweynaha ayaa cod dheer wuxuu ugu baaqay adkeynta midnimada, ka shaqeynta amniga iyo horumarka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Mudane Deni ayaa u tacsiyadeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadii dhowaan ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland, isagoo eebe uga baryey inuu janadii geeyo eheladoodiina samar iyo iimaan ka siiyo.

Gabagabadii, si gaar ah Madaxweynuhu wuxuu u xusay, Alla Ha únaxariistee, Marxuum Cabdikariim Dhegaweyne oo ahaa mulkiilihii xarunta Hida-raac oo qadada ah lagu qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM