Deni oo ka tacsiyeeyey geerida Axmed Dowlad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Garowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa xalay ku geeriyooday wasiirkii hore ee amniga maamulkan, Axmed Cabdullaahi Yuusuf Dowlad.

Marxuumka oo aan la shaacin sababta keentay geeridiisa ayaa waxaa lagu waddaa in Arbacada maanta ah lagu aaso magaalada caasimadda ah ee Garowe.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku biiray mas'uuliyiinta kala duwan ee ka tacsiyeysay geerida marxuumka isla markaana murugada la wadaagay qoyskiisa.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland AXMED Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad)," ayay madaxtooyada Puntland tiri.

Qoraalka madaxtooyada ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii".

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM