Deni oo ka tacsiyeeyey geerida Axmed Dowlad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Garowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa xalay ku geeriyooday wasiirkii hore ee amniga maamulkan, Axmed Cabdullaahi Yuusuf Dowlad.

Marxuumka oo aan la shaacin sababta keentay geeridiisa ayaa waxaa lagu waddaa in Arbacada maanta ah lagu aaso magaalada caasimadda ah ee Garowe.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku biiray mas'uuliyiinta kala duwan ee ka tacsiyeysay geerida marxuumka isla markaana murugada la wadaagay qoyskiisa.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland AXMED Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad)," ayay madaxtooyada Puntland tiri.

Qoraalka madaxtooyada ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM