Deni oo kala diray Golaha Deegaanka Gaalkacyo

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 01, ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Hoos ka akhriso digreetadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 01, ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123‐aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr - 7 ) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad
Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland

Markuu tixgeliyey: Gun-gaarka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala dirista Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.

Wuxuu Xeeriyey :-

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo
2. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Dhanka kale, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr - 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr - 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo

Markuu tixgeliyey: talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey :-

1. Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo
2. Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo
3. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Puntland ayaa ka arimisa waqoyga Gaalkacyo, halka koonfurta uu ka jiro maamul hoostaga Galmudug. Xarunta gobolka Mudug waxay bilooyinkii dambe amnigeedu fiicnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM