Deni oo Kismaayo kula kulmay Isimada iyo Nabadoonada Jubaland

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan is-xog-waraysi ah kula qaatay caasimadda KMG ee Kismaayo Isimada, Nabadoonada iyo Wax-garadka Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud [Faroole].

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka iyo Wasiirada Jubbaland, weftigii Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale ayaa ku jiray.

Deni ayaa ku booriyey Isimada Nabadoonada iyo Wax-garadka Jubbaland in ay kala shaqeeyaan Dowladda horumarinta, xasilinta, xoraynta iyo nabadda dhammaan degaanada Jubbaland.

Wadashaqaynta shacabka iyo Dowladda ayuu cod dheer ku qeexay in ay horseedo horumar, amni iyo dowlad wanaag, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Deni.

Madaxweyne Deni ayaa wuxuu kula dardaarmay haldoorka Jubbaland in ay garab-siiyaan Madaxda cusub si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah.

"...Isla markaana ay si wada jira ugala shaqeeyaan xaalad kasta oo lid ku ah xasiloonida iyo horumarka Jubaland," ayu ku daray war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu helay GO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM