Deni oo ku biiray hardanka "meesha looga saarayo" Farmaajo

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa bartilmaameedkiisa koowaad ka dhigtey "ciribtirka maamulkan halista geliyey dalka".

GAROWE, Puntland - Madaxtooyadda Puntland ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Saciid Cabdullaahi Deni uu u ordayo xilka madaxtinimada Soomaaliya kuna qeexday "hoggaamiye samata bixin kara dalkeena".

Afhayeenkiisa Jaamac Dabraani oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa raaciyey: "Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan".

Daqiiqado kadib, madaxtooyada Puntland ayaa faafisay muuqaal uu Deni ku fahfaahinayo damaciisa oo huursanaa ku dhowaad shantii bilood ee lasoo dhaafay ee khilaafka doorashadda uu taagnaa.

Deni oo ka hadlay munaasabad u muuqata in lagu qabtey gudaha Madaxtooyadda Garowe ayaa shaaciyey in hadafkiisa koowaad uu yahay sidii "uu meesha uga saari lahaa maamulka Farmaajo".

Magaalada Qardho ayaa laga soo wariyey dhawaaqa rasaas loogu dabbaaldagayo musharraxnimada Deni ee hogaanka Soomaaliya, iyada oo la ridey hub culus oo laga wada maqlay xarunta gobolka Karkaar.

"Hadafka koowaad ee aan leeyahay waa in aan meesha ka badalo Mohamed Abdullahi Farmaajo. Musharaxiinta madaxweynaha waxaan ugu baaqayaa in ay u midoobaan arrintaas. Cid kasta oo arrintaas u taaganna waxaan diyaar u ahay in aan la shaqeeyo," ayuu yiri.

Maalmaha soo aadan ayuu cod dheer ku sheegay in uu dardargelin doono ololihiisa raadinta kursiga ugu sareeya Soomaaliya wallow uusan caddeyn in uu kusoo wajahan yahay magaaladda caasimada Muqdisho.

Ku biirida Deni ee hardanka madaxtinimada Soomaaliya ayaa si gaar ah waxay culeys ugu noqon doontaa Farmaajo maadaama ay isku xisaab yihiin marka ay timaado nidaamka ay Soomaalida wax u qeybsato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM