Deni oo la baafinayo

Image

GAROWE, Soomaaliya - Shacabka Puntland ayaa iswaydiinaya Halka uu jaan iyo cirib dhigay madaxweynaha wakhtigiisa dastuuriga ah uu sii dhamaanayo ee Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni kaasi oo aan laga war hayn halka uu ku danbeeyay.

Dastuurka Puntland ayaa xusaya in madaxweynaha xafiiska jooga uusan ka maqnaan Karin Puntland in ka badan hal bil oo xiriir ah balse maqnaanshiyaha Deni ayaa dhaafay 60 casho.

Murashaxa xilka madaxtinimada Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa dhawaan sheegay in madaxweynaha xilhayntiisa Dastuuriga ah ay bilooyinka uga harsan yihiin, Siciid Deni uu isku xiray guri ku yaala magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraatka carabta.

Puntland ayaa laga digay hubanti la’aan siyaasadeed iyada oo golaha wakiilada ee wakhtigoodu sii dhamaanayo aanay wali ansixin lifaaqii doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM