Deni oo la baafinayo

Image

GAROWE, Soomaaliya - Shacabka Puntland ayaa iswaydiinaya Halka uu jaan iyo cirib dhigay madaxweynaha wakhtigiisa dastuuriga ah uu sii dhamaanayo ee Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni kaasi oo aan laga war hayn halka uu ku danbeeyay.

Dastuurka Puntland ayaa xusaya in madaxweynaha xafiiska jooga uusan ka maqnaan Karin Puntland in ka badan hal bil oo xiriir ah balse maqnaanshiyaha Deni ayaa dhaafay 60 casho.

Murashaxa xilka madaxtinimada Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa dhawaan sheegay in madaxweynaha xilhayntiisa Dastuuriga ah ay bilooyinka uga harsan yihiin, Siciid Deni uu isku xiray guri ku yaala magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraatka carabta.

Puntland ayaa laga digay hubanti la’aan siyaasadeed iyada oo golaha wakiilada ee wakhtigoodu sii dhamaanayo aanay wali ansixin lifaaqii doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM