Deni oo la kulmay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyadda dowlada Puntland ee Garoowe ku qaabilay afhayeenka cusub ee  Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil [Cawl].

Deni oo soo dhaweeyay doorashadiisa ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday.

Cawl oo laga soo doorto gobolka Sanaag ayaa wuxuu kusoo baxay wareega koowaad ee coddeynta maanta qabsoontay, isaga oo helay 46 cod oo kamid ah 63 mudane oo fadhiga soo xaadirtay.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isna qaabilay Guddoomiyaha cusub ayaa wuxuu ugu hambalyeeyay xilka loo doortay.

Afhayeenka cusub ayaa wuxuu bedeli doonaa Cabdixakiim Axmed Maxamed [Dhooba Daareed] kaasi oo todobaadkii hore mudaneyaashu sheegeen in ay kalsoonida kala noqdeen.

Mr Dhooba Daareed ayaa waxaa lagu eedeeyay "ku tumasho Dastuur, xeer hoosaadka golaha, u kala eexashada Xildhibaanadda iyo in uu dhiirogeliyo maleyshiyo beeledyadda.

Gudoomiyaha cusub ayaa wuxuu sheegay in uu ka shaqeyn doono difaaca jiritaanka, dhulka iyo shacabka dowladda Puntland oo ah maamulka ugu da'da weyn federaalka ka tisqaaday geyiga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM