Deni oo la kulmay Mas'uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey xaruunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee magaalada Garowe.

Mudane Deni oo kormeerkiisa ku wehliyay Madaxweyne ku xigeenka cusub, Axmed Cismaan Karaash, ayaa la kulmay Mas'uuliyiinta wasaaradda oo uu ku jiro wasiirka, Cabdulaahi Siciid Carshe [Dhaqaaje].

Wasiir Dhaqaaje ayaa Madaxwaynaha warbixin guud ka siiyay xaalada dhaqaalaha Puntland, howlaha wasaaradda iyo arrimo kale.

Deni ayaa Wasiirka maaliyadda wax ka weydiiyay inuu dhaqan-gelay amarkii uu ku xannibay maalintii la doortay 8-dii bishan in lacago lagala baxo akoonada dowladda ee Bangiga iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay, maadaama uu isbedel dhacay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyy xarunta Bangiga Dhexe ee Puntland.

Kulankaan ayaa imaanayaa maalmo kadib markii Madaxwayne Deni uu amar ku bixiyay isla saacadiiba la doortay inaan wax lacag ah lagala bixi karin koontada ay dowladda ku leedahay Bankiyada gaarka ah iyo midka ay DPL maamusho.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, oo dhaqaalo yahan ah ayaa lagu rajo wayn yahay inuu wax badan ka bedali doono dhaqaalaha Puntland oo hoos-u dhac wayn uu ku yimid iyo musuq-maasuq xargaha goostay 5ta sano ee uu xafiiska joogay Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni: Puntland ma aqbalayso Mashaariic siyaasadaysan

Maamulka Deni ayaa si adag uga soo horjeeda waxa uu ku tilmaamay faragelin siyaasadeed oo ka imaanaysa Villa Soomaaliya.

  • Puntland

    14-06-2025

  • 04:47PM

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM