Deni oo la kulmay wafdi uu horkacayo ergayga EU-da

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu Madaxtooyada magaalada Garowe kula kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda, kulankaas ayaa diiradda lagu saarey xaaladda guud ee Soomaaliya oo ay kamid tahay arrimaha haatan ka taagan khilaafka doorashooyinka.

Wafdiga waxaa horkacayey ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u fadhiya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, diblumaasiga lagu magacaabo, Nicolás Berlanga Martínez.

Danjireyaasha dalalka Talyaaniga iyo Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Alberto Vecchi iyo Staffan Tillander, ayaa kamid ahaa wafdiga oo si heer sarre ah loogu qaabilay Qasriga Madaxtooyadda.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, Wafdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez, ayna ka midyihiin Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander," ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo Wafaafinta, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya".
 
Kulankan ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii madaxwayne Deni uu ka dhawaajiyey in Beesha Caalamka iyo Soomaalida loo baahan yahay in ay kawada shaqeeyaan in dalka uusan dib u laaban.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM