Deni oo la xasuusiyey "geedkii orad lagu fuulay, orad baa looga soo degaa"

Image
Madaxweynaha ay muddo xileedkiisa bilooyinka uga hareen ayaa lagu waaniyey in uu ka tanaasulo muddo kororsiga.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka uga hareen ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, waa in uu ka tanaasulo muddo kororsiga si aysan u burburin Puntland, sidda ay ku waaniyeen wax-garad.

Maxamed Xasan Dable, falanqeeye siyaasadeed oo u waramay Garowe Online Twitter Space, ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in sidoo kale furida dastuurka ay keeni karto qalalaase siyaasadeed.

"Geed orad lagu fuulay, orad baa looga soo degaa. Lama joogga xilligii la furi lahaa dastuurka Puntland. Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadka yahay [Saciid Deni] waa in uu ka tanaasulo arrinkaas maadaama laga yaabo in ay muddo kororsi keento," ayuu yiri.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa todobaadkii hore soo jeediyay in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Puntland iyada oo dalabkaas ay u gudbin doonaan Golaha wakiilada Puntland.

Talaabadaas ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin balaaran iyo xiisad siyaasadeed waxaana si wayn uga hor yimaadeen ururada siyaasadda iyo siyaasiyiin madax banaan.

Wasiirka Madaxtooyadda Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur ayaa si rasmi ah waxa uu u xaqiijiyey tuhunka muddo kororsiga, waxaana uu toosh ku ifiyey damaca madaxwaynihiisa waqtiga ka dhacayo.

"Ururada kusoo baxa doorashada goleyaasha degaanka ayaa go'aan ka gaaraya nooca ay noqoneyso doorashadda madaxweynaha Puntland," ayuu Cabdifataax uga jawaabay su'aal la waydiyey.

Su'aasha oo la hor-dhigay xilli uu ka qeybgalayay barnaamijka dooda Jimcaha ee Laanta Afka Soomaaliga BBC-da ayaa ku saabsaneyd nooca ay noqoneyso doorashadda madaxweynaha Puntland.

Qorshaha Deni ayaa ah in doorashadda madaxweynaha ay dib uga dhacdo 8-da Janaayo, 2024 isla markaana uu sameysto muddo kororsi labo sano ah isaga oo adeegsanaya Ururo uu rabo in uu soo saarto, arrintaas oo looga digay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM