Deni oo lagu eedeeyay waxka qabasho la'aanta Maandooriyaha

Image
Inta badan masaajidada caasimada Puntland ayaa salaadii ciida looga hadlay khudbadda maandooriyaha khamriga.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ku jira bilihii u danbeeyay mudada xilhayntiisa, ayaa lagu tilmaamay mid "ruwaayad ka wada Puntland".

Xildhibaan hore ee ka tirsanaa barlamaanka Puntland, Saciid Shire Maxamed oo u waramay warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in Deni uu dayacay dhaartii iyo amaanadii uu maray isla markaana ay dalka uu halis ugu jirto maandooriyaha khamriga.

"Saciid Deni iyo xukuumadiisa waxaan leeyahay dhaartii aad marteen waad dayacdeen, ilaahay hortiisa ayaana la idin waydiin doonaa," ayuu ku yiri nuqul kamid ah wareysiga.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in iyagu ay bilaha dhawrka ah ee Deni u haray ay iskood wax isaga qabtaan maandooriyaha isaga oo ugu yeeray Isimada, Culimada iyo Waxgaradka in ay arintaas hormuud ka noqdaan.

Inta badan masaajidada caasimada Puntland ee Garowe ayaa salaadii ciida looga hadlay khudbadda maandooriyaha khamriga iyo dhibaatada uu ku hayo bulshada Garowe iyada oo loogu baaqay in ay wax ka qabtaan dhalinyaradda arintaas lagu eedeeyo.

Dadaalka waxgaradka ayaa u muuqda mid ka rajo dhigay dhanka xukuumada oo madaxweynuhu horey ugu eedeeyay laamaha amniga in ay iyagu arintaan hormuud ka yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM