Deni oo maamul cusub u magacaabay gobolada Sanaag iyo Haylaan

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu maamul cusub u magacaabay goboladda Sanaag iyo Haylaan ee hoostaga dowladda Puntland.

Sidda ku cad digreeto uu madaxweynuhu soo saarey, Cali Xuseen Maxamed ayaa waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee waqoyga Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag, halka Maxamuud Cumar Liibaan laga dhigay ku-xigeenka 2aad.

WAREEGTADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyay:

1. Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

2. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag.

3. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag.

4. Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM