Deni oo maamul ku meel gaar ah u magacaabay degmada Carmo

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maxamed Ibraahim Faarax si ku meel gaar ugu magacaabay Guddomiyaha Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Hoos ka akhriso qoraalka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.06 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Degmada Carmo.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo.

Markuu tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey :

1. Waxaa Maxamed Ibraahim Faarax si ku meel gaar loogu magacaabay Guddomiyaha Degmada Carmo ee Gobolka Bari

Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM