Gudoonka Maxkamada Sarre ee Ciidanka Puntland oo la magacaabay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saarey dib ugu dhisay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Iyo Danbiyada Culus ee dowlada Puntland.

Sidda lagu sheegay digreetadda, Gaashaanle Maxamuud Cabdi Maxamed ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda, halka Cawil Jaamac Nuur laga dhigay gudoomiye ku xigeenka.

Hoos ka dhageyso digreetada

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Iyo Danbiyada Culus Ee Dowladda Puntland.

Garoowe : 16 , May 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 , 16ka May 2020, kuna saabsan Dib-u-dhisidda Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad, faqraddiisa 19aad.

Markuu arkay: Qodobka 87aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda Shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus

2. Waxaa G/sare. Cawil Jaamac Nuur loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus

3. Waxaa G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

4. Waxaa G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

5. Waxaa G/sare. Cali Faarax Caydiid loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

6. Waxaa G/sare. Cabdi Cali Jaamac loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

7. Waxaa G/sare. Maxamuud Faarax Maxamed loo magacaabay Xeer Ilaaliye Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Maxkamadan waxaa la filayaa in ay inta badan qaadi doonto kiisaska la xiriira arrimaha ciidamadda iyo argagixisadda oo xukuumadda Puntland ay cod dheer ku sheegtay in ay xididaha u siibi doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM