Deni oo magacaabay wasiiro ku biiraya xukuumadda Puntland

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli uu maanta Muqdisho ugu wareegay ololihiisa madaxtinimada.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 19ka April 2022 kuna saabsan magacaabid xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Sida ku xusan digreetadda, waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda, Isgaarsiinta,Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha.

Sidoo kale, Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) ayaa waxaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Magacaabistan ayaa kusoo aaday xilli Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho halkaasoo uu u wareegay si uu u dardargeliyo ololhiisa doorashada madaxtinimadda.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kusoo dhoweeyay Muqdisho Masuuliyiinta DFS inta badan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka DFS iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada muqdisho iyo Gobolka Banaadir.

Wafdiga waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka DFS iyo qaar ka mid ah goleyaasha Dowladda Puntland, Aqoonyahan iyo waxgarad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM