Deni oo magacaabay wasiiro ku biiraya xukuumadda Puntland

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli uu maanta Muqdisho ugu wareegay ololihiisa madaxtinimada.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 19ka April 2022 kuna saabsan magacaabid xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Sida ku xusan digreetadda, waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda, Isgaarsiinta,Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha.

Sidoo kale, Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) ayaa waxaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Magacaabistan ayaa kusoo aaday xilli Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho halkaasoo uu u wareegay si uu u dardargeliyo ololhiisa doorashada madaxtinimadda.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kusoo dhoweeyay Muqdisho Masuuliyiinta DFS inta badan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka DFS iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada muqdisho iyo Gobolka Banaadir.

Wafdiga waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka DFS iyo qaar ka mid ah goleyaasha Dowladda Puntland, Aqoonyahan iyo waxgarad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM