Xubno ku biiraya wasiirada Puntland oo la magacaabay

Image
Madaxtooyadda Puntland ayaa faafisay wareegtadda magacaabida labadan xubnood.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta ah wuxuu magacaabay laba xubnood oo kamid noqonaya Golaha Wasiiradda ee dowladda Puntland kadib wareegto uu soo saarey.

Cabdifataax Maxamed Cabdinuur ayaa loo magacaabay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland, halka Maxamed Cabdirisaaq Dayib loo xushay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XUBNO KA MID AH GOLAHA WASIIRADA.

Garoowe: 10 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 10-ka September 2022, kuna saabsan magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Cabdinuur loo magacaabay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland.

2. Waxaa Maxamed Cabdirisaaq Dayib loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.


Cabdifitaax ayaa ahaa Agaasimaha Xarunta Gurmad Qaran ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu soo noqdey lataliye sarre oo dhanka siyaasadda ee isla xafiiska ra'iisul wasaaraha dalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM