Deni oo mushaharka shaqaalaha rayidka u leexsadey dano siyaasadeed

Image
Saciid Deni oo haatan ku sugan Imaaraadka ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay isaga kala gudbay Boosaaso iyo Kenya.

GAROWE, Puntland – Shaqaalaha dowlada Puntland ayaa helin wax mushahar ah tan iyo bishii November sanadkii lasoo dhaafay 2022-dii kadib markii xukuumada Saciid Cabdullaahi Deni ay lacagaha u weecisay arrimo siyaasadeed, sidda uu ogaadey Garowe Online.

Deni oo ku guda jira bilooyinkii ugu dambeeyay muddo xileedkiisa hogaaminta Puntland ayaa xuquuqda howladeenada rayidka u kala qoondeeyay laba qeybood; hirgelinta doorashooyinka halka dhinac ah iyo u diyaar-garowga doorashadda madaxtinimada soo aadan.

"Qorshaha madaxweynaha waa in qeyb kamid ah lacagtan u adeegsado socod-siinta ololahan siyaasadeed," ayay sheegeen illo wareedyadda. "Qeybta labaad ayuu doonayaan in uu Xildhibaano kusoo saarto haddii loo noqdo nidaamka 66-da mudane oo uu ku fashilmo qof iyo cod".

Qaar kamid ah qoysaska shaqaalaha rayidka Puntland ayaa wajahaya xaalad adag gaar ahaan Bishan barakeysan ee Ramadan maadaama isha dhaqaale kaliya oo ay ku tiirsanaayeen ay ahayd mushaharka ay ka helaan dowladda.

"Lacagaha ay xaqa u lahaayeen shaqaalaha rayidka waxaa la siinayaa dulaaliin iyo shaqsiyaad u durbaan tumaya doorashadda halka dhinac ah," ayay tibaaxeen dad xog-ogaalka ah. "Sidoo kale, qeyb ahaan lacagtan waxaa lagu maalgeliyey dadka ka qeyb-qaatay diiwaan-gelinta hubeysaneyd".

Saciid Deni oo haatan ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay isaga kala gudbay magaaladda Boosaaso iyo Kenya. Intii uu ku sugnaa xarunta gobolka Bari, waxaa xafiis u ahayd xeradda ciidamadda PMPF-ta halkaasoo uu ka bixinayey amaro siyaasadeed.

Mudadii uu joogay magaala madaxda Nairobi, Deni ayaa la fariistey deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Diblumaasiyiinta waxay madaxweynaha Puntland ku dhaliileen in uu seegay kulamadii madaxda dowladda federaalka iyo maamulada kuna tartarsiiyey in uu dib ugu laabto shirarkaas.

Deni ayaa ku guuldareystay in uu kasii maqnaado wadaxaajoodyaddan xilli diidmadiisa ay salka ku hayso arrimo siyaasadeed iyo kuwa shaqsi ah oo ay isku-hayaan Villa Soomaaliya. Kulanka xiga ee dowladda federaalka iyo maamulada ayaa loo balansan yahay dhowaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM