Deni oo sameeyay balanqaad la xiriira doorashada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaa xalay lagu qabtay munaasadda xuska 8-da January sanad guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ay weheliyaaan Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa munaasabadda kaga qeybgalay hoolka cusub ee xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybagalay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadeen, Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka mod ah labada Aqal ee DFS, goleyaasha dowladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa hadaljeedintiisa taariikhiga aheyd ku xusay, waxyaabaha la qabtay dhinacyada Amniga, maaliyadda, arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in laga billaabo sanadka cusub Bisha koowaad ay dowladdu hirgelinayso mushahar kordhin ay u sameysay Shaqaalaha rayidka ah, taas oo aad loo bogaadiyey.

Dowladda ayaa ugu kordhisay mushaharka Goleyaasha dowladda sida Wasiirada, Xildhibaanada iyo weliba Ciidamada.

Deni ayaa balanqaadey in doorashadda madaxtinimada Puntland ee soo aadan ay noqon doonto mid ku qabsoonta waqtigeeda ayna noqon doonto qof iyo cod.

Soomaaliya ayuu rajeeyay in ay dowlad-dhiseeda waqti kooban qaadato. Shacabka ayuu ku booriyey in ay dulqaad muujiyaan isla markaana aysan ku niyad-jabin is-qabqabsiyadda jira.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda oo lagu abaalmariyey howlkarnimadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM