Deni oo shaaciyey fursada dhalinta Puntland ee Shirka Maalgashiga

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Talaaddada maanta ah yabooh ay fursad dahabi ah ka heli doonan waxa uu siiyey dhalinyaradda degaanadda Puntland.

Fursadaasi ayuu ku sheegay in kobaca dhaqaale ee xukuumadiisa hiigsaneyso inay u horseedo Puntland ay shaqo abuur ka heli doonan dhalinyaradda.

"Amniga iyo xasilooni siyaasadeed ka sokow, kobac dhaqaale oo ay shaqo abuur ka heli doonan dhalinyaradda ayaa qorsheena kamid ah," ayuu ka yiri munaasabad uga qeybgalay magaaladda Garowe.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa ku booriyay ganacsatada in ay taageeran siyaasadda dowladiisa ee horumarinta dalka iyo dhaqaalaha.

Deni ayaa ku tartarsiiyey ganacsatadda in ay kaalin weyn ka cayaaran Shirka Maalgashiga Puntland ee loo balansan yahay bisha September.

Shirkaasi oo socon doona maalmo ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonan fursadaha maalgashi ee banaan iyo hal-abuurka ganacsatadda.

Si lamid ah, waxaa shirkaasi lagu soo bandhigi doonan qorshaha xukuumadda ay dooneyso in ay Puntland ku hogaamiso shanta sano ee soo aadan.

Ugu dambeyntii, hogaamiyaha maamulka sanad-guuradii 21aad ee aas-aaskiisa u dabaaldegaya todobaadkan ayaa u balanqaaday shirkadaha in loo fududeynayo helitaanka dhulal ay ku maalgeshi ku sameeyan.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM