Deni oo shaqada ka joojiyey duqa degmada Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu shaqada ka joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, isaga oo xusay in uu shaqadda sii wadayo Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.

Sidda laga soo xigtay wareegto kasoo baxdey Madaxtooyadda dowladda Puntland, waxaa la faray hantidhowrka in uu baaritaan dhameystiran ku sameeyo maamulka iyo maareynta. Balse, ma bixin fahfaahin.

Hoos ka akhriso qoraalka Madaxtooyadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka Maarso 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.

3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta

Xeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, wuuna saxiixay.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib markii xarunta gobolka Bari uu ka dhacay weerar ay maleyshiyadda Al-Shabaab ku ekeysay saldhiga weyn ee Boosaaso kaasoo ay ku furteen boqolaal maxaabiis ah, balse kalkii dambe ay ciidamadda qaarkood ay dib ugu soo xireen howlgal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM