Deni oo shir gaar ah la yeeshay guddoonka Aqalka Sare ee Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlada Puntland iyo guddoonka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay ku kulmeen magaala madaxda Muqdisho.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay wuxuu caasimada u joogay wadahadalo la xiriira arrimaha doorashooyinka 2020-21 kuwaasoo war-murtiyeed laga soo saarey asbuucii lasoo dhaafay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland laguna faafiyey baraha bulshada ayaa lagu sharaxay qodobada diirada lagu saarey kulanka Deni iyo guddoonka Senate-ka waddanka.

Sidda laga soo xigtay qoraalkan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, wada-xaajoodyada ayaa lagu lafaguray xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada gaar ahaan doorashadda.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mudane Mowliid Xuseen Guhaad," ayaa lagu yiri bayaanka.

Warka qoraalka ayaa la raaciyey: "Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxaana Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa muhimka ah ee samata bixinta Dalka".

War-murtiyeedkii laga soo saarey shirka Muqdisho wuxuu mar kale caddeeyay in Senatorada soo aadan ay soo doora doonan baarlamaanada dowlad goboleedyada maadaama ay metalaan, sida dastuurka ku dhigan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM