Deni oo soo saarey amar ku socda agabka kasoo dega dekada Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Caagadaha mustacmalka ah waa laga mamnuucay in ay kasoo degaan dekadda Boosaaso, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlada Puntland.

Amarkaan, sidda ku xusan digreetada, ayaa la faray in ay dhaqan-geliyaan dhamaan Wasaaradaha iyo Taliska Ciidamadda Booliska. Warqadda waxay ku taariikheysan tahay 16-ka May, 2020.

Qoraalka oo lagu xusay in amarku fulayo laga bilaabo markii uu soo baxay ayaa lagu sheegay in dowladdu la wareegeyso caagadaha waaweyn ee dhexyaala dekadda kana bixineyso magdhow.

Sidoo kale, waxaa la faray in lasii daayo caagadaha yar-yar ee saliida kuwaas oo lagu soo waramay in ay wali dhex-yaalaan marsadda xarunta gobolka Bari ahna magaala madaxda ganacsiga.

"Laga bilaabo taariikhda wareegtadani soo baxday, markabkii, doontii ama gaadiidkii lagu qabto wuxuu wajihi doonaa ganaax," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka oo aan lagu sheegin sababta.

Talaabadan ayaa imaaneysa xilli xaaladaha Coronavirus ee Puntland ay sii kordhayaan si lamid ah kiisaska laga helayo gobolka Barri oo tobanaan gaaray maalmihii lasoo dhaafay.

Cudurka Covid-19 oo ku faafa si deg-deg ah ayaa ugu gudba dadka taabashadda iyo neefta si taas looga baaqsado, waxaa lagu booriyey muwaadiniinta in ay joogaan guriyahooda isna karantiilaan.

QORAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM