Deni oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada badda Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF.

Ciidamada tababarka loosoo xiray oo lasoo laylinayey muddo 5 bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 10-aad ee ka baxda Xerada Tababarka Ciidamada Badda Puntland ee dhacda duleedka galbeed ee magaalada Boosaaso.

Sidda ay sheegeen saraakiishooda, ciidamadan oo qaatay daruus muhiim u ah tabaha dagaalka, ilaalinta xeebaha iyo dabagalka dambiyada ayaa ku qalabeysan hub iyo gaadiid casri ah.

Deni oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa ugu baaqay ciidamadda in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan, iyagoo iska dhowraya falalka wiiqaya sumcadooda.

Bishaan June 21-keeda ayay ahayd markii Deni uu magaalada Qardho gaar ahaan xerada Xorgoble uu tababar ugu soo xiray dufcadii labaad oo kamid noqoneysa ciidanka Daraawiishta.

Sidda ay ka dhawaajiyeen hogaanka taliska, ciidamadaas ayaa ka kala yimid dugsiyada Xorgoble, Badhan iyo Xerada 54-aad ee Taliska Ciidanka Daraawiishta ee dowladda Puntland.

Qorshaha tababarka ayaa qayb ka ah barnaamijka dib-u-habeynta hay'adda dowlada Puntland oo xukuumadda Deni ay bilowday isla markaana lagu tayeynayo ciidanka difaaca Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM