Deni oo talaabo u qaadey fulinta balanqaad uu horey u sameeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Daahfurkan barnaamijkan ayaa ka dhacdey hoolka shirarka ee Madaxtooyadda Puntland.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay tababarada shaqaalaha Dowladda wejigiisa koowaad oo loo qabanayo 100 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda ee kala duwan.

"Waana markii ugu horeysay Soomaaliya oo Shaqaale intaasi leeg lagu tababarayo xarumo Dowli ah oo Gudaha dalka laga hirgeliyay," ayay tiri Madaxtooyadda dowladda Puntland.

Tababarka waxaa iska kaashanaya Macadka tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland iyo Machadka tababarada Shaqaalaha ee dalka Kenya, sidda laga soo xigtey qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

"Qorshan oo xarumaha ay khuseyso ay kala soo shaqeysay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland ayaa ka midyahay ballan qaadkii Madaxweynaha ee tayeynta Shaqaalaha," ayay raacisay.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa intii uu Xafiiska joogay ahmiyad gaar ah siiyay Shaqaalaha, waxaana lagu sameeyay dib-u-habeyn, tirakoob iyo Mushaharaad kordhin loo sameeyay".

"Hore Waxaan dib-u-habeyn ugu sameynay, oo tababar iyo tayeyn lagu sameeyay ciidanka Iyadoo xarumo lagu tababaro aan ka sameynay Gobollada kasoo billow Gaalkacyo illaa Badhan, hadda tallabaada labaad waa in aan tayeyno Shaqaalaha Dowladda oo ay helaan tababar xirfadooda kor loogu qaadayo," ayuu yiri Deni.

Munaasabadda oo ka dhacday hoolka shirarka ee Madaxtooyada, waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Xubnaha Golaha Wasiirada qaar ka mid ah, Agaasinka Machadka tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland, Macalimiinta Tababarka bixinaya oo ka socda Machadka Tababarka ee Puntland iyo Machadka tababarada Shaqaalaha ee dalka Kenya iyo Shaqaalaha Tababarada la siinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM