Taliye cusub oo loo magacaabay ciidanka booliska dowlada Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah Cabdi Xasan Xuseen [Cabdi Yarre] u magacaabay Taliyaha Booliska dowlada Puntland ee Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub wuxuu bedelayaa Jeneraal Muxyadiin Axmed Muuse, kaasoo la filayo in uu xilka wareejiyo maalmaha soo aadan kadib munaasabad kooban oo xafiiska uu ku qabto.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Deni oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online kadib markii lasoo dhigay barta Facebook ee Madaxtooyada ayaa isbedel lagu sameeyay.

Cabdi Yarre oo leh waaya-aragnimo dhinaca ciidanka leh ayaa soo noqdey Taliyaha Nabad-sugida Puntland [PIA] mudadii uu xafiiska joogay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale, wuxuu soo noqdey xiriiriyaha xafiisyadda sirdoonka maamul goboleedyadda Soomaaliya iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha xilligii xukuumaddii Cumar Cabdi Cali Sharmaake.

Hoos ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Garoowe: 27 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Deni wuxuu isla maanta xilka  ka qaadis ku sameeyay taliye ku xigeenada koowaad iyo saddexaad ee booliska Puntland. Talaabadan waxaa loo cuskaday "dib-u-habeynta ciidamadda bileyska".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM