Deni oo taliye cusub u magacaabey booliska qeybta gobolka Mudug

Image

GAALKACYO, Puntland - Hogaamiyaha dowlada Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto madaxweyne ku magacaabey Taliyaha Booliska Qaybta Gobolka Mudug.

Sidda laga soo xigtay digreetada oo ku taariikheysan 26-ka bisha May 2019 lana soo gaarsiiyey GO, waxaa jagadaasi loo dhiibay Gaashaanle Sarre, Jaamac Maxamed Axmed.

Magacaabistaan oo qeyb ka ah isbedel dhanka amniga, cadaalada iyo maamulka lagu sameynayo gobolka Mudug ayaa yimid rabitaan ka imaaday bulshada qeybaheeda kala duwan.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Gaalkacyo, May 25, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr. 28 May 25, 2019, ku magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Mar Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa yo khibraddiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa G/Sare Jaamac Maxamed Axmed loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobolka Mudug .

2. Xeerkani waxaa uu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM