Deni oo talo wax ku ool ah ku biiriyey hanaan dhigaalkeedka Buugaagta

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa casho sharaf u sameeyey martida ka qayb gashay Bandhigga Buugaagta Garoowe oo sanadkii 5-aad la qabtay, oo ka kala yimid geyiga Soomaalidu degto iyo qurbahaba.

Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha Ku wehelinayey mas'uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, qaban-qaabiyeyaasha Bandhigga, Abwaano iyo masuuliyiin kale oo madasha lagu casuumay.

Deni ayaa khudbad dardaaran iyo sagootin ah u jeediyey martidii kasoo qeyb gashay munaasabadda casho sharafta ah. Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay inay xoojiyan hal-abuurkooda iyo qoraaladooda.

“Runtii fursad bay ii tahay caawa in aan sii dardaarano, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maskaxdii bulshada Soomaaliyeed oo caawa Garoowe ku kulansan in aan la kulmo, aad bay waxay iigu tahay sharaf, waxaana ka mahadcelinayaa cid walba oo fursadaas noo samaysay dadkii qaban qaabiyey Bandhigga Buugaagta”.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sidoo kale soo jeediyey in buug laga qoro bandhigyada noocan oo kale ah si loo helo natiijadda wixii qabsoomay iyo horumarka kusoo siyaaday sanad walba.

“Waan idiinka mahadcelinayaa doorkii aad ka qaadateen in aad dadka Soomaaliyeed aqoontooda wax ku biirisaan, baahida dadkiinu idiin qabaan weli waa jirtaa," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, Deni ayaa wuxuu soo jeediyay in la is-qabad siiyo horumarinta dunida carsiga ah iyo buugaagta la qorayo, maadaama wax walba ay noqdeen kuwa lasoo koobay.

"Waxaa ii muuqday buugaagta la qoro iyo habka dadka maanta wax u fahmaan in farqi weyn u dhaxeeyo, dadkeenii FACEBOOK ayey ku jiraan qoraal dheerna ku dhiiranmayaan in ay akhriyaan, arrintaas bal dib u eegis ku sameeya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM