Deni oo u goodiyey ciddii fududeysay weerarkii Boosaaso

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay weerarkii xabsiga weyn ee Boosaaso ayaa sheegay si adag loo ciqaabi doono cid kasta oo ay ku cadaato in ay fududeysay.

Saciid Cabdullaahi Deni oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa isaga oo ay hareeraha ka joogaan saraakiil ciidan wuxuu tibaaxay in baaritaan lagu bilaabay weerarkaas.

"Weerarkii xabsiga weyn masuuliyadiisa waa la iskula xisaabtamayaa, ciidanka ka jawaabay oo guusha kasoo hooyayna waa lagu abaalmarinayaa," ayuu Deni ka yiri shirka jaraa'id.

Xilli uu tibaaxay in Boosaaso iyo nawaaxigeeda uu ka bilowday howlgal lagu sifeynayo kooxaha argagixisada, Deni ayaa shaaciyey in baaris lagu bilaabay sidda uu hirgelay weerarka xabsiga.

"Howlgalada la qorsheeyay ee meelaha ay xabsiyada kamid yihiin lagu qaado meel kasta oo caalamka kamid ah ayay ka dhacaan. Howlgalkan kuwaas ayuu kamid yahay. Kuwa badan oo la fashiliyey way jiraan Laakiin, warbixinta aan idin siinayo waa mid horudhac ah. Baaritaanka wuu bilowday. Cid kasta oo ay ku cadaato in ay fududeysay waxay la kulmi doontaa ciqaabta ugu adag ee ay mudan tahay," ayuu hoosta ka xariiqay madaxwaynuhu.

Dadweynaha ayuu cod dheer ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka kuna garab-siiyaan ka hortagga falal liddiga ku ah xasiloonida oo weerarada argagixisada kamid yihiin.

Deni ayaa soojeediyey in aan la isku milin la dagaalanka kooxaha argagixisada ah iyo loolanka siyaasadeed "oo ah laba ajande oo dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin in ay isku fiirsan".

"Waxaan u sheegayaa shacabka reer Boosaaso in ay nabad ku seexdaan, nabad ku shaqeystaan, nabad ku noolaadaan. Ciidamadooda iyo madaxdooda ku kalsoonaadaan. Waxaan u rajeynayaan guul deg-deg ah iyo wax walba oo dhacay deg-deg looga soo kaban doono," ayuu xusay, isaga oo weerarka ku qeexay "fal fool xun".

Ugu dambeyntii, mas'uuliyiinta kala duwan ee Puntland ayuu cod dheer ugu baaqay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah isla markaana ay "u dhiifoonaadaan suurtagalnimada weeraro".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM