Deni oo u kuurgalay saameynta Isbedelka Cimilada ee Godobjiiraan

Image
Dowladda Puntland ayaa muhiimad gaar ah siinaysa sidii xal waara loogu raadin lahaa Bacaadka guuraya.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo booqasho ku jooga degmada Godobjiiraan ayaa saaka u kuurgalay saameynta Isbedelka Cimiladu ku yeelatay Degmada, wuxuuna booqday Bacaadka Guura ee ku habsaday deegaano ka tirsan Degmada Godobjiiraan iyo Beeraha Degmada oo mar ka mid ahaan jiray beeraha ugu wanaagsan ee ay kasoo go’i jirtay Digirta (Cambuulada) oo hada abaar ah.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo labaduba ka mid ah safarka Madaxweynaha, wuxuuna soo jeediyay in la dardargeliyo qorshaha Dowladda ee wax ka qabashada saameynta Isbedelka cimilada iyadoo lala kaashanayo Hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqo leh maadaama arrintani tahay mid heer caalami ah oo Adduunka dhan la tacaalayo.

Dowladda Puntland ayaa muhiimad gaar ah siinaysa sidii xal waara loogu raadin lahaa Bacaadka guuraya ee ku habsaday deegaano ka tirsan Degmada Godobjiiraan iyo sidii loo horumarin lahaa beeraha oo Degmadu caan ku aheyd xagga wax-soo-saarka Beeraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM