Deni oo u murqa jimicsanaya "fashilinta" Villa Soomaaliya

Image
Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in Madaxweynaha Puntland uu "telefoonka ka dhigi la'ahay dhigiisa maamuladda".

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa durba wuxuu bilaabay olole daaha gadaashiisa ah kaasoo uu ku doonayo in uu ku "fashiliyo" dowladda cusub ee Soomaaliya, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, Deni ayaa "telefoonka ka dhigin" oo xiriir joogta ah la sameeya madaxwayneyaasha maamul goboleedyadda marka laga reebo dhigiisa Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Madoobe].

"Wuxuu aalaaba kala hadlaa arrimaha ku gadaaman dowladda cusub, kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha doorashadda 2026," ayay GO u sheegeen xubno u dhuun-daloola dhaqdhaqaaqa Deni.

Deni oo aan wali si furan taageero ugu muujin ololaha ka hirgalay dalka dhan ee lagu soo afjarayo xoogaga gacansaarka al leh Al-Qaacida ayaan "doonayn in maamulka Xasan Sheekh sumcad ku helo ciribtirka Al-Shabaab".

"Kama ahan taageero uu u hayo argagixisadda, balse waxay ka tahay siyaasad iyo wax u muuqdo in uu durba dhankiisa u bilowday ololaha doorashada madaxtinimadda ee 2026-da," ayuu yiri mid kamid ah xubnahaas

Siyaasada ku dhisan marin-habaabinta

Kadib markii loo doortey madaxtinimada Puntland, Deni ayaa dagaal siyaasadeed la galay dowladdii Farmaajo isaga oo u ekeysiiyey in uu ku ilaalinayo danta Puntland hase ahaatee ugu diyaar-garoobayay fagaaraha coddeynta 2022.

Inkasta oo uu madaxweynaha Soomaaliya noqdey Xasan Sheekh, haddana wuxuu ku qaabilay Garowe isaga oo kaliya kala hadlay arrimo u gaar ah kana mid tahay soo celinta lacagaha kaga baxay doorashada iyo xilal loo magacaabo shaqsiyaad uu isaga soo xusho.

"Madaxwaynihii qaranka wuxuu ka xakameeyay in uu kulamo furan la yeesho dadwaynaha. Taas badalkeeda, wuxuu madaxtooyadda ku haystay in ka badan saddex maalmood, taasoo dhakhar ku ah dowladnimada," ayuu xusay mid kamid ah illo wareedyadda.

Sida ku cad xogta, madaxwayne Deni ayaa mar kale doonaya in uu magaca Puntland u adeegsado dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah Villa Soomaaliya isaga oo bartilmaameedkiisu yahay coddeynta 2026.

"Hab-dhaqankan ayaa ku dhisan marin-haabinta siyaasadeed. Kaarkan wuxuu madaxwaynuhu horey ayuu ugu guuleystay balse ma u malaynaayo in uu mar kale ku duufsan karo dadka iyo dalka Puntland," ayay isku raaceen laba kamid ah illo wareedyada.

Xurgufta Axmed Madoobe iyo Deni

Doorashadii 15-ka May ka dhacdey Muqdisho kuna soo baxay madaxwayne Xasan Sheekh ayaa kala geysay siyaasiyiin badan oo xulafo ahaa. Waa suno ama caado soo jireen ka ahayd Soomaaliya kadib doorasho kasta oo qabsoonta.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa hoos-u-dhac uu ku yimid cilaaqaadkooda kadib doorashadaas sababo ku aadan in madaxweynaha Puntland uu tabasho ka muujiyey in dhigiisa Jubaland uusan "u hagar-bixin".

"Tani waa sababta uu uga reebay liiska madaxwayneyaasha hadda jia ee maamuladda ee wicitaanka joogtada ah uu la sameeyo Deni si ay ugu wehliyaan jihadiisa cusub," ayuu raaciyey mid kamid ah illo wareedyadda.

Madaxwayne Deni ayaa sidoo kale wuxuu qaab-fogaan arag ah kaga qeybgalay kulankii ugu dambeeyay ee hogaamiyeyaasha maamuladda yeesheen. Talaabadan waxay caddeysay in ay jirto qanacsanaan la’aan u jaranjeerta dhankiisa.

Sikastaba, madaxweynaha Puntland ayaa guda galay sanadkii u dambeeyay ee xilheyntiisa. Daneeyeyaasha siyaasada waxay ka digeen isku-dayada uu ku doonayo in uu xilka kusii joogo isaga oo isku-boor-qarinaya doorashada qof iyo cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM