Deni oo wadashaqeyn ugu yaboohay hogaanka federaalka

Image
Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa meesha ka saaraya warar la isla-dhexmarayay muddooyinkii dambe.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay xarunta Madaxtooyada kaga qeybgalay munaasabadda 1-da Luulyo oo la xusayo sannad guuradii 62-aad ee kasoo wareegatay markii ay xorriyada qaateen Gobollada Koonfureed ee dalkeena, midowgii Waqooyi iyo Koonfur iyo curashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luulyo 1960-kii.

Deni ayaa salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland oo Calanka saaray saacadu markay ahayd 12:00, Kadibna wuxuu ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo iyo guud ahaan todobaadka xorriyada dalkeenna, oo ah taariikh u baahan in wax laga barto halgankii laga soo maray xorriyada, midnimada Iyo Dowladnimada.

Intii uu ku guda jiray hadal-jeedinta, Deni ayaa soo hadal-qaadey isbadalka ka dhacay waddanka gaar ahaan federaalka oo uu kamid ahaa musharaxiintii isu soo taagtey jagada ugu sareysa dalka.

Madaxweynaha ayaa si cad wuxuu u balanqaadey in uu la shaqeyn doono ra'iisul wasaaraha cusub Xamsa Cabdi Barre kaasoo la filayo in dhowaan uu soo dhiso gole wasiiro oo tayo leh.

"Waxaan caddayanaya in aan la shaqaynayo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Federaalka, Dowladda Muqdisho," ayuu carabka ku adkeeyay madaxwayne Saciid Deni.

Xamse ayaa balanqaadey in uu soo magacaabi doono gole wasiiro oo ay ku badan yihiin mudaneyaal ka tirsan Golaha Shacabka. Tani waxaa loo arkay isku-day uu kusoo jiidanayo codka Xildhibaanada.

Waxaa Madaxweynaha Munaasabadda ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM