Deni oo weerar afka ah si dadban ugu qaadey Villa Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaalada Gadowe.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa soo xiray Shirka Jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland oo Shan maalmood socday.

Munaasabadda oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ayna ka qeybgaleen Goleyaasha Dowladda Puntland, Hantidhowrka.

Sidoo kale, waxaa kasoo muuqdey Hay’adaha Madaxa banaan iyo Shaqaalaha Guud ee Dowladda.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay wixii looga hadlay Shirka jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland iyo qodobada muhimka ah ee lagu horumarinayo adeega Dowladnimo ee Bulshada loo hayo.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey shaqadii wanaagesaneyd ee lasoo qabtay 5-tii sano ee hore, wuxuuna ku booriyey shaqaalaha Dowladda in lasii dardargeliyo shaqada loo hayo dadweynaha, Iyadoo la raacayo xogta iyo jiheynta loo soo bandhigay ee kasoo baxay Shirkii socday muddada 5-maalin aheyd.

Dhanka kale, Deni ayaa waxa uu si dadkan weerar dhanka Afka ah ugu qaadey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku eedeeyay jebinta sharciyada dalka.

"State-hebel markaan Doorasho magelayee hal sano ayaan siiyey, Labo sano ayaan siiyey, saan ayaan yeellaya, waxay la micno tahay , sharciyada oo burburtay oo dadkiina iska daawanayaan," ayuu tibaaxay.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo hogamiyeyaasha ay ku heshiiyeen muddo kororsi dadban ama aanan waqti rasmi lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM