Deni oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland

Image
Fulinta mashruucaan waxaa si wadajir ah isaga kaashaday Dowladda Puntland iyo Midowga Europe.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, oo ay iska kaashadeen Dowladda Puntland iyo Midowga Europe, iyadoo fullinta farsamo ay fududeeysay Hay’adda FAO.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga oo uu muujiyey in Dowladdu muhimad gaar ah siisay in la helo xaruntan, oo saldhig u noqonaysa Shaqooyinka la xiriira Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay.

Munaasabadda xarig jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga, waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Masuuliyiin ka socda Midowga Europe, Safaaradda Denmark , Hay’adda FOA, Maamulka Degmada Boosaaso, Maamulka Gobolka Bari iyo marti sharaf kale .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM