Deni: Puntland waxay kaalin ku lahayd isbadalka ka dhacay dalka

Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka kal-fadhiga 50-aad ee Golaha Wakiilada.

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi oo Arbacada maanta ah furay kal fadhiga 50-aad ee golaha wakiilada ayaa sheegay in “Puntland qayb wayn ka qaadatay is badal siyaasadeed ee dalka ka dhacay islama markaana uu qayb galay shirka golaha wadatashada qaran oo looga wada hadlay “sii xoogin xiriirka Dowladda Faderaalka ah iyo Dowlad-Goboleedyada dalka, hirgalinta heshiiskii 27 May 2021 ,Dhamaystirka dastuurka, dhismaha ciidan qaran si loola dagaalo Al Shabaab.

Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda Puntland dhaqaale ahaan iyo Farsamo ahaan in ay ka go’antahay in deegaanada maamulka dhamaan laga qabto doorasho dad wayne iyada oo laga tusaale qaadanayo doorashooyinka ka dhacay degmooyinka Qardho, Ufayn iyo Eyl.

“Waxaan hortiisana balanqaadayaa in ay iga go’antahay in aan taabo taabagaliyo hanaan dimuqoraadiyada” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay tababareen ciidamo iskugu jira Daraawiish iyo Boolis si wax looga qabto amniga guud Punland iyada oo la dhisay saldhigyo ay ku howlgalaan ciidanka amaanka. Waxaa tababar loo soo xiray laba dufcadood oo lagu tababaray xeryaha Xorgoble iyo Godod.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in uu dhisay hanaan garsoorka dalka iyada oo dhisme lagu wado xarumaha xafiiska maxkamada Badhan iyo xafiisyada maxkamada sare degmooyinka Puntland.

Siciid Deni ayaa sheegay in dowladu qor u qaaday dhaqalaaha iyada oo jiraan dhibaatooyinka dhaqaale oo ka dhashay xanuunka Covid-19 ee aduunka saameeyay, dowladuna ku howlantahay dib u eegista daqliga 2022.

"Miisaaniyadda Puntland ee 2022 waxaa ku yimid is dhin u dhiganta 15% sabab ka dhalatay dhibaatada Covid-19, Abaarta, Dagaalka Ukraine & Ruushka, Maciishadda Puntland oo kor usii kacday 19% lagana cabsi qabo in ay kasii sare marto"

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in iyada oo maanka lagu haayo dhibaatada ka dhalatay cunto yarida oo u duunka ku sababay dagaalka Ukraine ay dowladda Puntland dhiiragalinaysa wax soo saarka beeraha guddaha “taas oo qayb wayn ka qaadanaysa halista cunta iyo gaashaamashada halista cunta yarida aduunka”.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay ilaaliyaan kaydka cuntada Puntland hoosna loo dhigo raashinka ka baxaya deegaanada maamulka Puntland.

Siciid Deni ayaa sheegay in ay dhiiragaliyeen kaluumaysatada iyada oo la siiyay doonyo kaluumaysi iyo in uu xarumo lagu kaydiyo kaluunka.

Ugu dambayn madaxweynaha ayaa sheegay in ay kor loo qaaday tayada waxbarashada Puntland isla markaana ay kordheen arday u fariisatay imtixaanka fasalada 8aad iyo 12 aad ee deegaanada maamulka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM