Deni: Puntland waxay wax tar u noqotay dadkeeda iyo Soomaaliya

Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey Qasriga Madaxtooyada.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa caawa ka qeybgalay Xafladda xuska Munaasabadda 1-da August, sannad-guuradii 26-aad ee aasaaska Puntland, taasi oo caawa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa taariikhiga ah xalay ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’iideen, Soomaaliya oo dhanna wax tar u noqday. 

“Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa dhammaan qeybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland, Munaasibadda 1-da August oo ku beegan sannad-guuradii 26-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed la dhisay.

Munaasabadda ayaa sidoo kale, waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Qunsulka Dowladda Itoobiya, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddiga Doorashooyinka Puntland, Xisbiyada Siyaasadda, Saraakiisha Ciidamada kala duwan, Qurbojoog, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM