Deni: Puntland waxay wax tar u noqotay dadkeeda iyo Soomaaliya

Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey Qasriga Madaxtooyada.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa caawa ka qeybgalay Xafladda xuska Munaasabadda 1-da August, sannad-guuradii 26-aad ee aasaaska Puntland, taasi oo caawa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa taariikhiga ah xalay ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’iideen, Soomaaliya oo dhanna wax tar u noqday. 

“Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa dhammaan qeybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland, Munaasibadda 1-da August oo ku beegan sannad-guuradii 26-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed la dhisay.

Munaasabadda ayaa sidoo kale, waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Qunsulka Dowladda Itoobiya, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddiga Doorashooyinka Puntland, Xisbiyada Siyaasadda, Saraakiisha Ciidamada kala duwan, Qurbojoog, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM