Deni: Sida dastuurka dhigayo, doorka madaxweyne ku xigeenka waa latalin

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka falceliyey warar maalmihii lasoo dhaafay ay warbaahinta gudaha ka faafisay isaga iyo ku xigeenkiisa.

Wareysi uu siiyey telefishinka BBC-da laantiisa Afka Soomaaliga ayuu kaga jawaabay arrimo kala duwan oo qadiyadan laga waydiiyey.

Puntland ayaa wuxuu ku tilmaamay "dal xasilooni oo uusan ka jirin khilaaf isla markaana uu ka shaqeeyo sharciga iyo qaanuunka".

Qoraalado la sheegay in ay kasoo baxeen xafiiska madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] oo baraha bulshadda lagu faafiyey ayuu sidoo kale su'aal geliyey sax-ahaanshiyahooda.

Deni ayaa xusay in dastuurka Puntland uu qorayo in doorka madaxweyne ku xigeenka marka la magacaabayo xilalka sarre uu ku kooban yahay la-tashi balse uu go'aanka leeyahay madaxweynaha.

"Dabcan, shaqada dalka madaxweynaha ayaa loo igmaday; [madaxweyne ku xigeenka] wuxuu kaalmo u yahay baritaaraanna madaxweynaha; wuxuu u yahay in uu lataliyo, in uu [caawiye] u noqdo, oo wixii uu u idmado uu u dhiibo sidda uu dastuurka dhigayo," ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni ayaa meesha ka saarey in Puntland gudaheeda uu ka dhex-jiro kala qeyb-sanaan, dhawaqaas oo adkeynaya ahmiyadda iyo baahida loo qabo in la xoojiyo wadajirka.

Puntland oo hormuud u ah nidaamka federaalka ee ka hanaqaadey Soomaaliya ayaa hiigsaneysa in doorashooyinka soo aadan ay ku qabato qof iyo cod, iyaddoo ay ka qeybgalayaan xisbi siyaasadeed oo la diiwaan-geliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM